Maamulka dalka Liibiya ayaa shaaciyay, in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen 113 tahriibayaal ah, iyagoo sidoo kale helay saddex qof oo meyd ah oo laga soo saaray xeebaha magaalada Masrata ee bariga dalkaas.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa lagu sheegay, in meydadka saddexda qof oo tahriibayaal Afrikaana ahaa laga helay xeeb ku taalla magaalada Masrata, oo qiyaastii 200 Kiiloomitir u jirta caasimadda Liibiya ee magaalada Tiriboli.
Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Liibiya ayaa sidoo kale sheegay, inay shalay Isniintii qabteen 54 Tahriibayaal ah oo ku sugnaa xeebta magaalada Garabulli, oo 50 Kiiloomitir u jirta magaalada Tiriboli, kuwaas oo dib loogu celiyay dekedda magaalada.
Liibiya ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Mucamar Al-Qaddafi sannadkii 2011-kii, waxa ay la daaladhacaysay qulqulka tahriibayaasha, iyada oo noqotay halka ugu badan ee dadka ka tagaya qaaradda Afrika ay uga tahriibaan wadamada Qaaradda Yurub.