In ka Badan 200 oo Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Dhisme Kusoo Dumay Waddan Dhaca Laatiinka Ameerika.

13
0

Wararka inaga soo gaaraya Jamhuuriyadda Dominican, ee dhacda qaaraddda Laatiinka Ameerika ayaa ku waramaya, in galabnimadii shalay uu caasimadda dalkaasi kusoo dumay  dhisme lagu caweeyo, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad kor u dhaafaya 200 oo ruux.

Goobtan oo ay ku kulansanaayeen dad aad ufarabadan oo daawanayay heeso iyo fuxshi ka socday hoolka ayaa waxaa si lama filaan ah ugu soo dumay saqafkii sare e holka, kaas oo geystay khasaare aad uwayn.

Maamulka Jamhuuriyadda Dominican ayaa war danbe oo uu soo saaray goor sii horay ku xaqiijiyay, in ugu yaraan 79  qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan kuwii ka jaasayay hoolka, halka 160 kalena ay dhaawacmeen.

Tirade ayaa macquul ah inay intaasi ka badata, maadaama kooxa gurmadka degdegga ah ee dalkaas ay ku dhawaaqeen, in wali ay jiraan dad ku hoos jira burbur dhismaha hoostiisa, kuwaas oo qaarkood la rumaysan yahay inay noolyihiin.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay in saqafka sare uu soo dumo, balse dadka wax taxliiliya ayaa aaminsan in goobtaasi ay ku habsatay carada Allaah, maadaama uu ka socday fuxshi aad uwayn, waana arin cibra ugu jirta hoteellada ku yaalla wadamada Islaamka ee lagu dhigo xafladaha caynkan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here