In ka Badan 40 Askari oo Katirsan Ciidamada DF Oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Hiiraan.

40
0

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal culus oo maanta dhex-maray milliteriga xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada DF Soomaaliya.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay wararku shegayaan in si weyn loogu jabiyey ciidamada dawladda, kaas oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay duleedka degmada Buulaburde.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in khasaaro aad u lixaad leh la gaarsiiyay ciidamada:

-Dhimashada waa 18 isugu jira askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda, kuwaas oo 9 ka mid ah maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Saddex ka mid ah saraakiisha lagu dilay dagaalkan oo magacyadooda aanu helnay ayaa kala ah:

1-Maxamed Guudow

2-Cilmi Cabdulle 

3-Ciise Xasan Jiis

-Dhaawaca ayaa sidoo kale ah in ka badan 26 askari.

-Gubashada waa 1  gaari oo nuuciisu yahay Cabdi Bile waxaana lahaa Cali Jayte oo qayb weyn ku lahaa abaabulka dagaalkan.

Xogo dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay dagaalkan maanta kusoo furteen ilaa 5 qori oo noocoodu yahay AK47.

Maalmahan waxaa qaybo ka mida gobolka Hiiraan ka socday abaabul dagaal oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab oo ay wadeen qaar kamid ah sarakiisha dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Cali Jayte oo Macawisleyda u qaabilsan dowlada federaalka iyo Sanbaloolshe oo ah madaxa sirdoonka ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here