Hay’adaha ammaanka badda ee Giriigga ayaa shaacisay, in muddo dhowr maalmood gudahood ah ay xeebaha dalkaas gaar ahaan Jasiiradda Kirit soo gaareen in ka badan 500 oo tahriibayaal ah oo kasoo ruqaan saday xeebaha dalka Liibiya, dadkaas ayaa intooda badan ahaa rag, halka ay kamid ahaa yeen illaa 13 caruur ah.
Waxaana dhamaantood la geeyay xarumo lagu xiro dadka soo galootiga ah, iyada oo uu dadkaas kamid ahaa nin 24 jir Suudaani ah oo lagu tuhunsan yahay inuu qayb ka ahaa shabakadaha wax tahriibiya, kaas oo ugu damabayntii loo gudbiyay maxkamadaha dalkaas.
Jasiiradda Kiriit oo ku taalla koonfurta Giriigga, ayaa sanadihii dambe noqotay marin muhiim ah oo ay adeegsadaan tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub, iyada oo ay sii badanayaan dadka soo galootiga ah ee ku qulqulaya wadamada Qaarada Yurub.