Qarax xooggan oo ka dhashay xarunta dhuumaha gaaska ee caasimadda dalka Masar ee Qaahira, ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca in kabadan 15 qof, kuwaas oo xilliga uu qaraxu dhacayay ku sugnaa meel u dhow marinada gaaska ee magaaladaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday qaraxan illaa 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaaladaas. waxaa sidoo kale ku burburay tobaneeyo baabuur oo yaallay halka uu shilkani ka dhacay.
Waxaa dhamaan la hakiyay dhuumihii qaadi jiray gaaska, si loo xadido dabka ka kacay goobta uu qaraxu ka dhacay, dawladda Masar ayaana sheegtay inay wali ku daba jirto waxa sababay shilkan, kaas oo marar badan sidan oo kale gaystay khasaare nafeed iyo mid hatiyadeedba.