In Kabadan 20 Askari oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Culus oo ka Dhacay Waqooyiga Dalka Nayjeeriya.

8
0

Askar ka tirsan ciidamada Nayjeeriya ayaa lagu dilay weerar culus oo lagu qaaday xarun ciidan oo ay ku sugnaayeen, kaas oo ay fuliyeen dablay hubaysan oo dagaal kula jira xukumada talada dalka haysa, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah oo ka agdhawaa goobta uu dagaalku ka dhacay.

Ugu yaraan 17 askari ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 4 kale, kaas oo si gaara uga dhacay Waqooyiga dalka Nayjeeriya, kaddib markii kooxo hubeysan ay si lama filaan ah u weerareen saddex saldhig oo ciidan, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.

Weerarkan ayaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo mudooyinkii dambe hawgallo noocan ah ku beegsanayay ciidamada dawladda iyo mas’uuliyiinta dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here