In kabadan 5 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Gobalka Suwaydaa ee Dalka Suuriya.

27
0

Wararka ka imaanaya Ardu Shaam gaar ahaan dalka Suuriya ayaa ku waramaya in dablay hubaysan ay beegsadeen ciidamo ka tirsan laamaha amaanka ee ka hawgalla gobalka Suwaydaa ee dalkaas, kuwaas oo dhimasho iyo dhaaqac ku noqday weerar lagu bartilmaameedsaday gawaari ay la socdeeen.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo amni ayaa xaqiijisay, in weerarkaas ay ku dhinteen illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.  Raga hawlgalkan fuliyay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen haraadiga taliskii hore ee Bishaar Al-Asad, kuwaas oo weerarro xooggan ka fuliyay baadiyaha koonfureed ee gobalka Suwaydaa, kaddib xiisado qaraar oo isbuucyadii la soo dhaafay ka taagnaa gobolkaas.

Waxaa xusid mudan in gobalka Suwaydaa ay dagan yihiin qabiilka Duruuska, kuwaas oo dhawaan heshiis cusub la galay maamulka Suuriya, si ay qayb uga noqdaan wadajirka dhuleed ee Suuriya, in kasta oo ay Yahuuddu geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii ay qabiilkaas uga hor keeni lahayd maamulka cusub ee dalka Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here