Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ayaa u muuqata mid sii cakirmaysa, kaddib markii dowladda Ingiriisku ay ku dhawaaqday in ay si degdeg ah u dirayso agab ciidan oo ay ka mid yihiin diyaarado dagaal, si ay u xoojiso saaxiibadeeda xulafada ah ee ku sugan gobolka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dagaal culus uu u dhexeeyo Yahuudda iyo Iran, kaas oo galay maalintiisii saddexaad.
Raysalwasaaraha cusub ee Ingiriiska, Kiir Starmer, oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sii jeeday safar uu ku tagayo dalka Kanada, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu si dhaqso leh uga jawaabay cabsi xooggan oo laga qabo in colaadda Bariga Dhexe ay ku fido guud ahaan gobolka. “Waxaan bilownay dirista qalab ciidan oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal, si aan u taageerno xaaladda degdegga ah ee Bariga Dhexe,” ayuu yiri Starmer.
Diyaaradahan nooca dagaalka ah ayaa la sheegay, in loogu talagalay in ay garab siiyaan Yahuudda oo wajaheysa weerarro kala duwan oo uga imaanaya dhanka Iran, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn, iyo weerarro dhanka badda ah. Tallaabadan Ingiriiska ayaa ka dhigan in xulafada reer galbeedku ay si buuxda ugu garab taagan yihiin Yahuudda, iyadoo sidoo kale la filayo in ay ku biiraan dalal kale oo Yurub ah.
Dhanka kale, dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay ka hortageen markab dagaal oo laga leeyahay Ingiriiska, kaas oo ku dhowaanayay biyaha Iran, iyadoona lagu tuhunsanaa inuu taageero u waday hawlgallada Yahuudda. Ilo ku dhow ilaalada badda ee Iran ayaa sheegay in markabkan lagu amray inuu dib uga laabto xuduudaha biyaha Iran, iyadoo loo arkay fal halis gelin kara amniga qaranka.
Taliska Iran ayaa si cad u sheegay, in aysan ogolaan doonin wax faragelin ah oo kusoo xadgudba dhulkeeda, baddeda ama hawadeeda. Waxay sidoo kale digniin u direen dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Maraykanka, iyagoo sheegay in “dagaal toos ah” uu dhici karo haddii ay xuduudaha Iran ka soo gudbaan.
Waxaa la ogyahay in dalal badan oo reer galbeed ah, oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada iyo Australia, ay si cad ugu dhawaaqeen taageero buuxda oo ay siinayaan Yahuudda, iyagoo ballan qaaday gargaar ciidan, dhaqaale iyo mid sirdoon.
Si kastaba ha ahaatee, Pakistan ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si cad u sheega in uu garab taagan yahay Iran. Dowladda Islamabad ayaa sheegtay in ay “garab taagan tahay Iran”.
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya, in xiisaddan cusub ay halis u tahay in ay isku beddesho dagaal ballaaran oo saameeya waddamo badan oo Bariga Dhexe ah.