Inka badan 20 Ruux oo Dhimasha iyo dhaawac ku Noqday weerar gaari Jiirsin ah oo Ka Dhacay Dalka Jarmalka.

19
0

Hal qof ayaa ku dhintay dhawr iyo labaatan kalena way ku dhaawacmeen weerar gaari Jiirsin ah oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, halka ay booliisku xireen darawalkii waday gaariga oo la sheegay inuu kasoo jeeda dalka Afgaanistaan.

Warbaahinta Jarmalka ayaa xaqiijisay, in hal qof uu ku dhintay kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerar gaari Jiirsin ah oo ka dhacay magaalada Munich, iyadoo ay goobta gaareen gaadiidka gurmadka degdega ah.

Warbixintii ugu dambeysay ee booliska ayaa lagu sheegay in 28 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan caruur, qaar badan oo ka mid ahna  ay aad  halis u tahay xaaladooda, halka  qaarna ay u dhexeeyaan nolol iyo geeri.

Booliska ayaa xaqiijiyay in shilku uu ka dhacay wado weyn oo u dhaw bartamaha magaalada ee Munich.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli magaalada Munich loo balan sanyahay in lagu qabto shirka amniga ee Munich, kaas oo inta badan ay ka soo qayb galaan dad waaweyne heer caalami ah.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la filayaa inay Khamiista yimaadaan shirka amniga Munich, kaasoo bilaabanaya Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here