Inka Badan 30 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Dab ka kacay Dhisme ku Yaalla Dalka Kuwayt.

15
0

Dab xooggan ayaa si lama filaan ah  uga kacay dhisme dhowr dabaq ka kooban oo ku yaalla deegaan dhaca koonfur-bari magaalada Kuwayt ee caasimadda waddanka Kuwayt.

Dabkaan oo sii gaar ah uga kacay qayb ay dhismahaasi ka deganyihiin shaqaale ajaaniib ah oo kasoo jeeda dalalka Afrika iyo Aasiya, ayaa waxaa ku dhintay 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​15 kale, kuwaas oo 5 ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, sida ay shaaca ka qaadeen Ciidamada dab damiska ee Kuwayt oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas, iyagoo aan tafaasiil ka bixinin nooca shaqada ay hayeen shaqaalahaas ajaaniibta ah.

Ciidamada dab damiska ee Kuwayt ayaa xaqiijiyay, inay ku guuleysteen xakamaynta dabkan khasaaraha badan geystay, iyagoo aanan ka hadlin waxa sababay dabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here