Saraakiisha Mareykanka ayaa shan meyd ah ka helay guri ku yaalla koonfur bari Seattle ee gobolka Washington, kadib toogasho ka dhacday Isniintii shalay, waxayna xireen wiil dhalinyaro ah, sida ay booliisku sheegeen, Xarunta gargaarka degdega ayaana sheegtay in ay heshay wicitaano dhawr ah ku dhawaad 5 subaxnimo wakhtiga maxaliga ee dalkaas.
Mid kamid ah Af-hayeennada degmada King, oo lagu magacaabo Mick Melis oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in markii ay askarta booliisku gaareen goobta ay toogashadu ka dhacay ay islamarkiiba xireen wiil dhalinyaro ah, ayna xarumaha caafimaadka ee magaalada Seattle ee gobolka Washingtona u gudbiyeen wiil kale oo isna ku dhaawacmay, Labadan dhalinyarada ah ayaa ku noolaa hal guri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Jarmalka.
Melis ayaa intaa ku daray, in markii ay ciidamada booliska galeen guriga ay heleen meydadka shan qof oo labo kamid ah uu ku tilmaamay inay ahaayeen dad waaweyn, halka saddax kalana ay ahaayeen dhalinyaro, illaa iyo hadana lama shaacin Magacyadooda.
Sida uu sheegay Melis, toogashada ayaa u muuqata mid ka dhacday xubno kawada tirsan hal qoys, balse waxa uu intaa ku daray in aan la ogeyn waxa ka dhaxeeyay qoyskaas.