Inka Badan 40 qof oo ku dhintay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Dalka Hindiya.

8
0

Waxaa dalka Hindiya ee dhaca qaaradda Aasiya saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan ah, oo sababay khasaare lixaad leh, sida ay sheegtay Waaxda saadaasha hawada ee dalkaas

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay biriq iyo roobab xooggan oo ka da’ay gobolka owtaar-baraadiis ee waqooyiga Hindiya, kaas oo lagu tiriyo mid kamida gobollada ugu dadka badan ee waddanka Hindiya.

Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa saadaalisay, in roobabka mahiigaan ah iyo dabaylaha xooggan ay sii socon doonan ilaa Isniinta soo socota, kuwaas oo saacaddiiba jaraya inta u dhaxaysa 60 illaa 100 kilomitir, manaadiq ka tirsan dalkaas ayaana laga soo saaray digniina casaan ah.

Bishii Abriil ee ina dhaaftay, roobab xooggan oo ka da’ay gobolka Biihaar ee bariga Hindiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 64 qof, halka warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas ay xiligaasi sheegtay, in dad ka badan 20 qof ay ku dhinteen gobolka owtaar-baraadiis ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here