InKa Badan 60 Ruux oo Ku Nafwaayay Dab Ka Kacay Mid Kamida Suuqyada Waddanka Ciraaq.

23
0

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa ku waramaya, in saacadihii lasoo dhaafay uu dab xooggan ka kacay mid kamida suuqyada gobalka Waasidh ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed.

Dabkan oo si gaar ah uga kacay suuq dhexe oo ku yaalla bartamaha magaalada Kuut ee caasimadda gobalkaas ayaa waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 61 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur, sida ay xaqiijisay Wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Ciraaq.

Godoomiyaha gobalka Waasidh ninka lagu magacaabo Muxamed Jamiil ayaa bayaan uu soo  saaray isla markaana ay faafisay wakaaladda wararka ee Ciraaq waxa uu ku sheegay, in aan la garanaynin sababta rasmiga ah ee ka danbaysay dabkan, isagoo xusay, in hay’adaha ay khuseyso ay baaritaan ku wadaan waxyaabaha dhaliyay dabka, isla markaana natiijada ugu horeysa lagu shaacin doono 48 saac gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here