Inka Badan 70 Askari oo Yukreeniyaan ah oo Lagu Dilay Weerar uu Ruushku ku Qaaday Gobalka Khersoon ee Dalka Yukrayn.

30
0

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkaasi ay fuliyeen weerar loo adeegsaday gantaallo culus oo lagu beegsaday saldhig tababar  oo ay ciidamada Ukraine ku lahaayeen deegaanka Davydov Brod ee gobolka Khersoon, weerarkaas oo lagu dilay in ka badan 70 askari Yukreeniyaan ah.

Bayaan rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay, in duqeyntu ay timid kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo muujisay in saldhiggaasi uu yahay mid si firfircoon loo adeegsanayo, isla markaana ay joogaan tiro badan oo ka tirsan ciidamada Ukraine. Ka dib markii la xaqiijiyay xogtaas, ayaa la go’aamiyay in lagu dhufto gantaalka nooca Iskander-M, kaas oo leh awood burburin oo xoog leh iyo madax qarxa oo gaaraya dhul ballaaran.

Wasaaraddu waxay sheegtay, in la beegsaday xilligii ugu saxmada badnaa oo ay  ciidamada Ukraine  si buuxda ugu sugnaayeen saldhigga, taas oo keentay in khasaaraha nafeed uu gaaro heer sare. Intaa waxaa dheer in weerarku uu sababay burburinta gaadiid milatari oo badan, iyo baabi’inta qalabka difaac hawada oo saldhigga yaalay.

Duqeyntan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid ka mid ah weerarrada ugu khasaaraha badan ee todobaadyadii u dambeeyay ka dhaca xadka koonfureed ee Ukraine, iyadoo ay cirka isku sii shareertay colaadda sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa labada dal, oo haatana gashay sanadkeedii afaraad iyadoo aan weli muuqan xal siyaasadeed oo lagu dhameyn karo dagaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here