Inka badana 20 Askari oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqoday Dagaallo Culus ah oo Ka Dhacay Marinka Go’adoonsan ee Qazza.

7
0

Wararka ka imaanaya Marinka go’adoonsan ee Qazza ayaa sheegaya, in halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in kabadan 20 askar oo Yahuud ah, kuwaas oo lagu beegsaday weerar culus oo ay muqaawamada Falastiiniyiintu ka fuliyeen magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Gazza iyo goobo kale oo ka tirsan marinka.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda ayaa lagu dilay weeraradan, halka lagu dhaawacay 17 kale, warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in qaar kamida ciidamadaas ay dhinteen kaddib markii uu kusoo dumay dhisme loogu aasay walxaha qarxa.

Weerarradan ayaa yimid xilli ciidamada Yahuuddu ay sii wadaan duqeymaha ba’an ee ay ka geysanayaan deegaannada kala duwan ee marinka Qazza, taas oo sababtay dhimashada dad badan oo Falastiiniyiin ah, iyada oo lagu jiro maalmaha ugu horeeya ee munaasabada Ciidul Adxada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here