Inka Badn 10 qof oo Suudaaniyiin ah oo Gaajo Darteed ugu Geeriyooday Xero Qaxooti oo ku Taalla Dalka Jaad.

5
0

Dadka Suudaaniyiinta  ee qoxootiga ku ah dalka Jaad ayaa wajahayo xaalado bini’aadantinimo oo aad u daran, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay, tiro dad ah oo kamida barakacayaasha Suudaaniyiinta ee ku nool dalkaas ay gaajo darteed ugu geeriyoodeen mid kamida xerooyinka qoxootiga ee ku yaalla dalkaas. Sida ay shaaca ka qaaday, Shabakadda Dhakhaatiirta ee Suudaan.

Waxay Shabakaddu bayaan ay shalay soo saartay ​​ku sheegtay, in intii lagu guda jiray todobaadkii la soo dhaafay ay 13 qof  oo Suudaaniyiin ah  gaajo darteed ugu dhinteen xero qoxooti oo lagu magacaabo Qaaqaa oo ku taallo dalka Jaad, taas oo ay ku jiraan 21 Kun oo Qaxooti Suudaaniyiin ah.

Waxay intaasi ku dartay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, in qoxootiga Suudaan ee ku sugan xeradaasi ay la ildaran yihiin masiibooyin bini’aadantinimo oo ay ugu wacan tahay cunto yari iyo dawo yari, iyadoo cudurro ay kusii faafayaan gudaha xeradaas, sababo la xiriira dayaca ay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bini’aadantinimo ku sameeyeen qaxootiga xerada ku jira iyo iyaga oo aan helin cunto ku filan. arimahaas oo isbiirsaday ayaa halis galinaya masiirka kumanaanka qof ee ku nool halkaas.

Colaadda ka holceysa dalka Suudaan ayaa keentay, in kumanaan Suudaaniyiin ah ay ku barakacaan waddama dariska la ah dalkaas, kuwaas oo ah dalal faqri oo an maarayn karin noolasha barakacayaashaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here