Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday in 20 qof oo rakaab ah ay dhaawacmeen, kadib markeey Labo tareen shil ku galeen gobolka Minya, oo 240 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Qaahira.
Wasaaraddu waxay sheegtay in 23 baabuur oo ambalaas ah oo qalabaysan loo diray goobta uu shilku ka dhacay, iyadoo sheegtay in tira-koobkii ugu horreeyay uu muujinayo in tirada dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 20 qof, kuwaas oo 19 ka mid ah loo gudbiyay Isbitaalka guud ee gobalka Minya, halka qof dhaawac ahna loo gudbiyay Isbitaal jaamacadeed oo ku yaalla gobalkaas.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay, baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in dhaawacyadu ay isugu jiraan nabaro, xagtimo, iyo dhaawacyo muuqda, waxaana weli dhaqaatiirtu ay ku howlan yihiin sidii loola tacaali lahaa xaaladda caafimaad ee dadka dhaawaca ah, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay, walina waxaa socda daba-galka lagu samaynayo goobta ay wax ka dhaceen. Waxaa kale oo kadhashay isku dhaca Labada tareen, in ay rogmadeen labo gaari oo marayay Kanaalka Ibraahimiyya ee gobalkaas, illaa iyo hadana lama oga khasaaraha kadhashay Labada gaari ee rogmaday.
Shilkan ayaa ah shilkii Labaad, oo muddo bil gudaheed ah ka dhaca dalka Masar, Bishii Sebtembar Labo tareen oo rakaab ah ayaa isku dhacay magaalada Nile Delta, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof.
Sanadihii u dambeeyay, dowladdu waxay ku dhawaaqday hindiseyaal lagu horumarinayo jidadka tareenada. Madaxweynaha dalkaas C/Fattah Al-Sisi, ayaa sheegay 2018-kii in ilaa 8.13 bilyan loo baahan yahay si loo dayactiro waddooyinka tareenada ee dayacan.