Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa ku nuuxnuuxsaday, taageerada adag ee dalkiisa uu siinayo ciidamada Nusayriyada ee ka amar qaato Bishaar Al-Asad, kaddib markii dagaalyahannada mucaaradka ay guulo waaweyn ka gaareen goobo badan oo ka tirsan Xalab iyo Idlib.
Kahor booqashadiisa Dimishiq ee loo qorsheeyay maanta, Araqchi waxa uu cadeeyay, in Iran ay garab taagan tahay nidaamka Bashaar al-Assad ee umuuqda in waqtigiisa uu gabaabsi noqday.
Waxa uu Β yiri Araqchi βWaxaan aadi doonaa Dimishiq si aan fariinta ka socota Jamhuuriyadda Iran ugu gudbiyo dawladda Suuriya,β taas oo macnaheedu tahay in Tehran ay si adag u taageeri doonto nidaamka Bishaar Al-Asad iyo ciidamadiisa dalka Suuriya.
Arrintan ayaa timid, kaddib markii mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Xalab oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Suuriya.