Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay, in eedaymaha Maraykanka ee loo soo jeediyay Iran ee kusaabasan dilka Donald Trump ay tahay mid been abuur ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa tiri, “ku celcelinta eedeymaha ka dhanka ah Iran waa shirqool ay maleegayaan maamulka Sahaayinada iyo cadawga Iran si ay u adkeeyaan arrimaha u dhexeeya Washington iyo Tehran.”
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Tehran ay adeegsan doonto dhammaan hababka qaanuuniga ah heer gudaha iyo caalamiba si ay uhesho xuquuqdeeda.
Shalay jimcihii, ayaa mar kale waxaa soo laabtay eedeymaha Maraykanka ee ah in Iran ay ku lug leedahay isku day lagu doonayay in lagu dilo Trump, maalmo kaddib markii mar kale loo doortay madaxweynaha Mareykanka.
Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegtay, in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ay daaha ka qaaday eedeymo fal dambiyadeed ah oo lala xiriirinayo shirqoolka ay Iiraan ku doonaysay in ay Trump ku disho kahor doorashadiisii, Waa siday hadalka udhigeene.