Safaaradda Iran ee Abu Dhabi, ayaa warbixin ay siisay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay, in Tehran ay aysan wax lug ah ku lahayn eedeymaha loo soo jeediyay ee ah, inay ku lug leedahay dilka ninka lagu magacaabo Raabbi Zvi Kogan oo ahaa Yahuuddi u ololeeya xaquuqda Yahuudda, kaas oo maydkiisa laga helay dalka Imaaraadka.
Sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM, boqortooyada imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, inay si adag ula xisaabtami doonaan ragga falka geystay, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 3 qof. Wasaaradda arrimaha gudaha imaaradka ayaa intaas ku dartay, in qof kasta oo wax u dhima amniga Yahuudda ku nool dalkaas uu la kulmi doono ciqaab adag.
Dawlada imaaraadka ayaa ku can baxday garab istaaga qayaxan ee ay u muujiso Yahuudda, ayadoo naf iyo maalba ku taageertay maamulka gumaystaha Yahuudda, kuwaas oo xasuuq wuxuushnimaa ka wada marinka Qaza.