Iran oo dejisay 10 Xeeladood oo ay kaga gaashaamanayso jawaabta Yahuuda.

44
0

Saraakiisha Iran waxay si dhab ah u qaateen hanjabaadaha Yahuuda, waxayna dejiyeen 10 xeeladood oo suurtagal ah, hadii Yahuudu ay weerar kusoo qaado Iraan,  waxay si cad u sheegeen haddii la gaaro xarumaha Nukliyeerka in cawaaqibtoodu ay noqon doonto mid heer caalami ah, oo aanay ku koobnaan doonin gobolka.

Waxay intaas wararku ku darayaan  in saraakiisha Iran ay ka guureen aagagii lagu yaqaanay oo ay uguureen goobo amaankooda aad loo adkeeyay, iyagoo ka cabsi qaba jawaabta Yahuuda uga imaandoonta kadib weerarkii Iraan ay ku qaaday dhulka falastiin ee Yahuudu xooga ku haysato.

Iran waxay ka cabsi qabtaa in ay Yahuudu  ka jawaabaan weeraradooda, isla markaana ay beegsadaan xarumaha militariga iyo dhaqaalaha, marka loo eego in Iran ay gantaalo ku garaacday saldhigyo milatari ay Yahuudu leedahay weerarkeedii ugu dambeeyay.

Weeraradii ugu danbeeyay ee Iraan ay ku qaaday Yahuuda ayaa lagasoo abaabulay shan saldhig oo aad muhiim ugu ah ciidamada ilaalada kacaanka, oo ku yaala gudaha Iran, taasoo sii kordhin karta cabsida laga qabo in diyaaradaha Yahuudu beegsadaan saldhig yadan.

Mid kamida saraakiisha Iraan oo hadlay, waxaa uu carabka ku adkeeyay  suurtagalnimada in la weeraro xarumaha Nukliyeerka ee Iran ay tahay mid lafilayo, inkastoo meesha laga saaray qodobkaas. Halka sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka uu xaqiijiyay cawaaqibta ka dhalan karta hadii  arintani ay dhacdo inay noqoto  mid caalami ah, oo aan ahaan doonin mid ku kooban gobolka.

Ku xigeenka Taliyaha Ilaalada Kacaanka, ayaa  ku hanjabay in ay weerari doonaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo saliidda ee Yahuuda haddii la bartilmaameedsado kaabayaasha dhaqaalaha Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here