Iran oo Diyaarad Casri ah ka Soo Ridey Gumeystaha Yahuuda.

39
0

Warbaahinta Gulf Post ayaa shaacisay in diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ah oo gumeystaha Yahuuda ay lahayeen ay dhawaan Iran soo ridey.

Diyaaradda gumeystaha lagabsoo riday ayaa ah nooca loo yaqaan “KOKHAV”, taasoo ah diyaarad casri ah. 

Diyaaraddan ayaa si gaar ah loogu talagalay in ay qabato howlaha sirdoonka, kormeerka iyo dabagalka, waxaana sidoo kale loo adeegsadaa fulinta weerarrada.

Sida warbixinta lagu sheegay, diyaaraddu waa mid aad u horumarsan, qiimaheedana lagu qiyaasay 10 milyan oo doolar. 

Arintaan ayaa muujinaysa awoodda ay Iran u leedahay inay bartilmaameedsato oo burburiso diyaaradaha casriga ah ee gumeystahu adeegsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here