Iran oo Hogaamiyaasheeda iyo Muwaadiniinteeda ka Daadguraynayso Suuriyo.

10
0

Iran ayaa shalay oo Jimce ahayd bilowday inay hogaamiyaasheeda militariga iyo shaqaalaheeda ka daadgureyso Suuriya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka iyo saddex sarkaal oo Iiraaniyiin ah, taasoo muujineysa in Iran aysan awoodin inay gacan ka geysato sidii uu Bashaar Al-Asad iskaga caabin lahaa kooxaha mucaaradka, sida uu sheegay wargayska New York Times.

Saraakiisha ayaa sheegay, in dadka loo daadgureeyay dalalka Ciraaq iyo Lubnaan ee deriska la ah ay ka mid ahaayeen taliyayaasha sare ee ciidamada Qudus ee xoogga badan ee Iran, oo ah laanta shisheeye ee ilaalada kacaanka.

Xubnaha ilaalada, qaar ka mid ah shaqaalaha diblomaasiyiinta Iran, qoysaskooda iyo dadka rayidka ah ee Iiraaniyiinta ayaa sidoo kale la daadgureeyay, sida ay sheegeen saraakiisha Iran oo diiday in magacooda la shaaciyo, iyagoo intaa ku daray, in Iiraaniyiintu ay bilaabeen inay ka baxaan Suuriya subaxnimadii Jimcaha.

Saraakiisha Iran iyo kuwa gobolka ayaa sheegay, in la amray in dadka laga raro safaaradda Iran ee Dimishiq iyo xarumaha ilaalada kacaanka, iyagoo xusay, in qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda ay horay uga baxeen dalka.

Saraakiishu waxay sheegeen, in qayb ka mid ah daadgureynta dadkaas ay qaabilsantahay diyaarad ku sii jeedda Tehran, halka qaar kalana ay kaga baxayaan dhinaca dhulka ee Lubnaan iyo Ciraaq, iyagoo sii maraya dekedda Latakiya ee Suuriya.

Saraakiisha Iran ayaa intaa ku daray, in Labo Jeneraal oo sare oo ka tirsan ciidamada Qudus Force ee Iran, oo loo diray inay la taliyaan Nidaamka Suuriya, ay u baxsadeen Ciraaq, halka kooxaha mucaaradka ay Jimcihii la wareegeen gooba badan oo ka tirsan dalkaas.

Wargeysku waxa uu soo xigtay Mehdi Rahmati, oo ah falanqeeye caan ah oo ku sugan Iran, in uu yiri “Iran waxa ay bilowday in ay daad gureyso ciidamadeeda iyo shacabkeeda, sababtoo ah ma dagaalami karno haddiiba ciidanka Nidaamka Suuriya uusan rabin inuu dagaalamo.” Waxa uu intaa ku daray, “Arrinta ugu hoosaysa ayaa ah in Iran ay xaqiiqsatay in aanay xaaladda Suuriya ku maareyn karin hadda hawlgal kasta oo militeri”.

Horaantii Jimcihii, xubin ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri, “Suuriya waxay qarka u saaran tahay burbur, si aamusanna waan u daawaneynaa.” Waxa uu intaa ku daray, haddii ay Dimishiq dhacdo ay Iran lumin doonto saamayntii ay ku lahayd Ciraaq iyo Lubnaan, isagoo yiri “Ma fahmin sababta keentay wax qabad la’aantan, laakiin si kasta oo ay xaaladdu tahay, uma wanaagsana waddankeenna.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here