Iran oo ku Dhawaaqday inuu soo idlaaday Joogitaankeedii Dalka Suuriya.

14
0

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran Hossein Salami ayaa sheegay, in waddankiisa uusan wax ciidan ah kaga sugnayn dalka Suuriya, kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Bishaar Al-Asad ee xukunka laga tuuray. Tani waxay ku soo beegantay hadal uu Salami ka jeediyay maanta golaha baarlamaanka ee Iran, kaas oo ku saabsanaa isbadallada ugu dambeeyay ee Suuriya.

Waxa uu intaa ku daray, in la taliyayaal iyo ciidammo Iran ah ay ku sugnaayeen Suuriya illaa inta laga ridayay nidaamka Assad, wuxuuna sheegay, in waqtigan xaadirka ah aysan jirin wax ciidan ah oo Iran ka jooga Suuriya.

Iran iyo Ruushka ayaa taageeray xukunka Assad tan iyo markii uu dillaacay kacdoonkii Suuriya sanadka 2011-ka, iyaga oo la garab istaagay taageero dhan walba ah. Tehran ayaa qaar kamida Ilaalada Kacaanka u dirtay dalka Suuriya si ay u ilaaliyaan xukunkana ugu hayan mujrimkii waynaa ee Bishaar Al-Asad, kaas oo ay talada ka tuureen kooxaha kacdoon-wadayaasha ee dalka Suuriya.

Waaberigii Axadii ina dhaaftay ayey kooxaha mucaaridka Suuriya gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, waxayna la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas, waxaana soo gaba gaboobay xukunka wiil iyo aabihiis oo ka talinayay dalkaas in ka badan 50 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here