Iran oo Marykanka ku eedaysay inuu ku lug lahaa weerarkii shalay ay Yahuuddu ku qaadeen dalkeeda.

20
0

Xukuumada fadhigeedu yahay magalada Tehran ayaa eedayn kulul ujeedisay Mareykanka, ayadoona sheegtay inuu ka qeyb qaatay duqeymihii ay Yahuuddu ku beegsatay xarumihii ciidanka ee Tehran, waxayna carrabka ku adkeysay inay lama huraan tahay in ay jawaab ka bixiso.

Iran waxay sheegtay  in Yahuuddu aysan fulin Karin weerar ka dhan ah dalkeeda, illaa inay hesho taageerada Maraykanka mooyee, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, ninka lagu magacaabo Cabbaas Arakchi ayaa yiri, “Mareykanku waxay siiyeen Yahuudda qalabka nidaamka difaac hawada, taas oo ka dhigan ka qaybqaadashada hawlgaladii ugu dambeeyay” wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri “Waxaan aaminsanahay xiriirka iyo taakulada uu Maraykanku la leeyahay Sahaayinada ay sii kordhin karto  Xiisadda ka taagan gobolka”.

Dhankiisa, afhayeenka baarlamaanka Iran Maxammad Bagher Qalibaf ayaa war kasoo saaray weerarkii shalay dalkiisa lagusoo qaaday, isagoo la hadlaya golihiisa baarlamaanka, wuxuu hanjabaad u diray Yahuudda, wuxuuna ku hanjabay inay jawaab ka bixin doonaan weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here