Iran oo Sheegtay in ay Yahuudda Khatar ku Tahay Ammaanka Adduunka oo Dhan.

26
0

Mohammad Bagher Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iran, ayaa maanta  ​​sheegay: in howlgalka militari ee ay Yahuudda ka waddo Gaza iyo Lubnaan uu sii balaaran doono haddii aan Sahaayinada la xakamaynin, isagoona geesta kala tilmaamay in ay Yahuuddu ku jabtay dagaalka dhinaca dhulk ah oo ay kusoo qaaday Lubnaan.

“Bahdilka ugu weyn ee Yahuudda soo gaaray waa in ay awoodi la’yihiin  ciidamadooda in ay gudaha usoo galaan Lubnaan inkasta oo ay jirta duqaymo wuxuushnima ah  oo lagu dilay madaxda ururka Xisbullah” ayuu yiri Qalibaf xilli uu ka qaybgalayay shir ka dhacay Tehran.

Isla shirkaas, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbaas Arakchi, waxa uu ka digay in haddii dagaalka Yahuudda uu balaarto, aanay saamayntiisu ku ekaan doonin gobolka oo keliya, wuxuuna yiri, “Yahuudda waxay khatar ku tahay ammaanka adduunka oo dhan, ma aha gobolka oo keliya, waxayna gaysanaysaa dambiyo dagaal.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay, in iska caabintu ay tahay sida kaliya ee lagu gaari karo cadaalad, isagoona dhanka kale  xusay in beesha caalamka ay saaran tahay mas’uuliyad weyn si loo xaqiijiyo nabadda gobolka, Xilli waxa loogu yeero beesha caalamku ay yihiin kuwa taageerada la garabtaagam Yahuudda gumaadayso shacabka ku nool Gaza iyo Lubnaan.

Geesta kala, Kaaliyaha Madaxweynaha Iran ninka lagu magacaabo Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay, in gobolka aysan xasilooni ka dhici doonin maadaama uu gumaystuhu sii wada falalkiisa gurracan ee ka dhanka ah Bariga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here