Iran oo Sheegtay Inay Saanad Military u Dirayso Dalka Suuriya.

9
0

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha Iran ayaa sheegtay, in xukuumadda Tehran ay doonayso inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn u dirto Suuriya, si ay u garab istaagaan maamulka Bishaar Al-Asad ee sii dumaya.

Sarkaalkan  sare oo u waramay  wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay manta oo jimce ah, in Iran ay sidoo kale doonayso inay kordhiso tirada la taliyaasheeda milateri ee ku sugan dalka Suuriya, si ay uga taageeraan Bashar al-Assad dagaalka uu kula jiro xoogagga mucaaradka ah.

Sarkaalkan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa yiri “Waxay u badan tahay in Tehran ay u baahan doonto in ay u soo dirto Suriya qalab militari, gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxayna qaaday tallaabo kasta oo loo baahnaa si ay u kordhiso tirada la taliyaasheeda militari ee Suuriya, isla markaana ay geyso ciidamo halkaas.”

Tehran ayaa taageero nooc walba leh lagarab taagan nidaamka Nusayriyada ah ee Bishaar Al-Asad, duulaankan cusub ee ay ciidamada mucaradka Suriya kula wareegeen magaalooyin badan oo dalkaas kamida ayaa kusoo beegmaya xili dhamaan dawladihii nidamaka Bishaar Al-Asad taageeri jiray ay ku jiraan dagaallo kale, waxayna taasi keenaysaa in maamulkan uu dumo taageero la’aan awgeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here