Iran: Siyaasadda Cadaadiska ku salaysan ee Trump way fashilmi Doonta Mar kale.

29
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa Arbacadii sheegay, in siyaasadda cadaadiska ku dhisan ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku soo rogay Iran ay ku dhammaan doonto fashil, sidii dhacday muddo xileedkiisii hore.

“Cadaadiska ugu badan waa tijaabo guul-darraystay, in mar kale la isku dayo waxay horseedi doontaa oo keliya guul-darro kale,” Arakchi ayaa yiri, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Iiraan aysan doonayn inay yeelato hubka Nukliyeerka.

Hadalka Araghchi ayaa yimid kadib markii Trump uu saxiixay wareegto madaxweyne Talaadadii lasoo dhaafay, taasoo ujeedadeedu ahayd in cadaadis lagu saaro Tehran oo lagu soo rogo cunaqabatayn dheeri ah, ujeeddaduna tahay in laga hor tago inay Iran samaysato hubka Nukliyeerka, lana xakameeyo barnaamijkeeda gantaallada ballistic-gada ah iyo joojinta taageerada ay siiso kooxaha ka dagaalamo Bariga dhexe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay, in dhaqanka Iran uu halis ku yahay danaha Mareykanka, lagama maarmaan ay tahay in la saaro cadaadiska ugu badan si loo joojiyo halista Nukliyeerka iyo in la xakameeyo dhaqdhaqaaqyada Iran ee ku wajahan gobolka.

Isagoo iska indhatiraya dhinaca cunaqabateynta, Araghchi wuxuu ka dhawaajiyay suurtagalnimada in laga wada hadlo faylka Nukliyeerka, isagoo yiri: “Haddii ujeeddada ugu weyn ay tahay in la hubiyo in Iran aysan raadinayn  inay yeelato hubka nukliyeerka iyo in kale, tani waa wax la gaari karo oo aan adkayn.”

Geesta kale: afhayeenka Kremlin-ka ayaa sheegay, in Ruushku uu sii wadi doona taageerada uu Tehran ka siiyo dhinacyo kala duwan, gaar ahaan marka la eego iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay bishii hore kala saxiixdeen labada dal, kaas oo soconaya muddo 20 sano ah, waxaana ka mid ah iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo booqashooyinka militari ee dhexmara maraakiibta dagaalka.

Iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta Iran ay iftiimiyeen hadalada Trump ee ku saabsan inuu diyaar u yahay wada hadal, qoraalkiisa kuma jiraan wax tixraac ah oo ku saabsan kulamo degdeg ah ama wadahadalo lala yeesho Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here