Ujeedada maqaalkan waxan ku ifinayaa dhibaatadii laga dhaxlay Qabyaalada iyo dawladnimadii Soomaaliyeed ee isku milmay, waxan hordhac ahaan u tilmaamayaa marxaladihii aw soo maray shacabka Soomaaliyeed laga soo bilaabo gobanimadii ilaa xiligan burburka, ugu dambeyn waxan u soo gudbin doonaa madaxda Dawlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed talo si loo helo iskaashi iyo waxqabad loo dhanyahay loogana gudbo duruufaha adag ee dalkeena horay u asiibay.
Soomaaliya waa Qaran dunida ku lahay taariikh iyo magac dheer oo la mid ah kuwa dalalka madaxbanaan ee la aqoonsanyahay taas waxaa u dheer muhimada mileteri iyo ganacsi ee dhulka ay ku fadhido darteed oo si weyn u daneeyaan dalalka gobolka iyo kuwa dunida gacanta sare ku leh.
Taariikh ahaan Somalia waxay ka mid ahayd dalalkii gobanimadooda helay 1960, xiligaas kadib waxa taariikhda noogu qoran sanado wanaagsan oo an tusaale iyo horyaal u noqonay dawladihii an xornimada mar wada qaadanay kuwo xornimada nooga horeeyey iyo kuwo aan la gumeysan ebid marka laga eego muuqaalkii qarankeenii lahay gaar ahaan horumarkii lagu talaabsaday,cududii ciidan,diplomasiyadeed iyo doorkii taageerida ururadii gobanimadoonka Afrika iyo Carabta.
Waxa iyana na soo maray sanado burbur iyo guuldaro na gaartay heer nalagu qiimeeyo shacbiga keli ah ee dunida rubuc qarni ku noolaa hanaan aan dunida kale ka jirin, xiligaasoo qiimeynta caalamka kaalinka koowaad ka galnay dalka dunida ugu qaxootiga iyo tahriibka badan, ugu musumaasuqa badan, ugu nabadgelyada xun, ugu burcad badeedka badan iyo dalka ugu hooseeya xaga ardayda dugisyada dhigato (lowest student enrolment). Waxaa kale oo dunida iyo inta caqliga u saaxiibka ahiba u cuntami la in shacbiga Soomaaliyeed oo waadaago isir, af, diin iyo dhaqan mid ah in ay fursadahaas eebe ku maneystay uga faaideysan waayeen in ay qabyaalada Qaran uga guuraan.
Marxaladihii burburka, qaran jabka, kala qoqobka iyo qabiil wax ku doonka waxaa hore u odorosay cawaaqibkeeda,Aqoonyahan Indheergarad ahaa Allaha u naxariistee Marxuum Abwaan Moxamed Xaashi Dhamac Gaariye xiliyadii dagaalka sokeeye ka tiriyey tixdan .
- Runey lagu neceb, lagu rookee, leyska kaa reeb ,ristaad daaqdaba lagu raad goob, fulay kaa roor.
- Dharaar baa iman doonto imaaraadka sidiisa reerba aag ku godoomo.
- Dharaar baa iman doonto dadka ad hagrateen raacdadoodu adkaato oo lagu raadsho ileys.
- Dharaar baa iman doonto ayadoo is wada weyday ooda loo rogi doono.
- Dharaar baa iman doonto hadaan Eebe wax ceymin afku uu hadal daayi.
- Dharaar baa iman doonto dab munaafaq istaaray sidii ayar gubtaa ama duur olol taabtay arligoo dhan dhammeeya.
- Dharaar baa iman doonto mujrim ooga madow oo dantii raadinayaa agablay hambadeena isisii kaba raacsho.
- Dharaar baa iman doonto engeg la isugu xiiro oo heeca diido ilmaha khasab loo aqbalsiiyo.
- Waxan ahay xogogaal hir fog baan arkayaa ,or na waan maqlayaa ,waxna wey urayaan, ciyowgaa alwanaayo tukahaa uuda hayaahi ways calool ogyihiin.
- Nin abwaana baan ahoo ereygiisu tuf leeyahay hadeydaan i adeecin oo adan ilaashan dalkiina ka xoroobin qabiilka ergadaan ahay maanta ka abaal ka dhacdaan.
- ilaahey balantii ibtilaa dhici doonto dhulkey Eyro ku fooftana Afrikaan mad madaw iyo ajnabaa degi doono iyagaa tali doono..
- Waxaa haboon in lays weydiyo ma dhabowbay mise waa beenoobay, ma dhamaaday mise waxbaa ka dhiman odoroskii Allaha u naxaristee Abwaan Gaariye,Jawaabta waxaan u dhaafi akhristayaasha sharafka leh ee maqaalkan.
Marxalada maanta la joogo.
Markaan u soo daadago isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay sanadkii hore 2012 oo muujinayo ifafaalo iyo yididiilo cusub marka la eego wejiyada cusub oo ku soo biiray hogaaminta dalka oo rajo weyn laga qabi karo in ay isbedel sameeyaan waxa barbar taalo welwel laga qabi karo sida looga gudbi doonaa/karo dhaqamadii hore looga dhaxlay qabyaalada iyo dawladihii dalka oo isku milmay ee sababay ( 1) musuqmaasuq ( 2) eex (3) xukun jacaylka ( 4) qabiilka ( 5 ) ku dhaqan la’aanta shuruucda iyo xeerarka dalka (6) ku xadgudubka xaquuqda aadanaha kuwaas oo ahaa cuduradii safka hore ka galay masiibada shacbigeena horumarka u diiday.
Rajadaas maanta inoo ifeyso waxaa looga mira dhalin karaa oo qur ah hadii dawlada iyo shacbiga Soomaaliyeed ay si wadajir iyo ficil ah ugu guntano samatabixinta dalka ayadoo laga faaidaysanayo waayo aragnimadii dhaxalkii qabyaaladu qarankeena gaarsiisay isla markaana juhdigii shalay la geliyey danaha qabiilka iyo tan gaarka ah mid la mid ah maanta la geliyo badbaadinta dalka iyada an loo kala harin..
Hadaba si looga mira dhaliyo rajada laga qabo in laga gudbo durufaha burburka keeney dibna loogu dhiso qaran cusub waxaan u soo jeedinayaa talooyin Dawlada iyo shacbiga Soomaaliyeed oo fulintoodu ama dareensanaantoodu keeni karto yareyn baahida shacabku qabyaalada u qabo..
Talo ku socoto dawlada soomaaliyeed.
- In lagu dhaqmo axdi-qarameedka qabyada ah iyo shuruucda kale ee dalka iyo xeer hoosaadyada hada jira iyo kuwo cusuba.
- In aad la timaaadaan qorshe qaran oo dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha, nabadgelyada iyo arimaha bulshada leh mudnaan (priority), yool iyo halbeeg lagu qiyaasi karo hadba waxa la qabto (indicators of success). Sidaasi oo kale waa in la helaa qorshe cad oo looga gudbi karo wixii caqabo ka hor imaan karo qorshahaas laguna qeexo doorka ururada bulshada ee xaga ka qaybgalka sameynta qorshaha iyo taabagelintiisa. Waa in sidaasi oo kale hayadaha d/dhexe, d/ goboledyada,NGOyada (local and international org) ay diyaariyaan qorshahooda wax qabad ee waafaqsan qaanuunka iyo qorshaha guud ee qaranka.
- Shacabka Soomaaliyeed wuxuu idinku qiimeyn doonaa waxqabadkiina la xiriira,( a) Sugida nabadgelyada ( b) dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta dadka dalka gudahiisa iyo wadamada deriska u barakacay ama u qaxay (c ) fududeynta dhismaha d/ goboleedyo( d) sameynta shurucd asaas u noqon kara Dowlad wanaag iyo cadaalada (e) dib u eegis iyo afti dadweyne oo lagu sameeyo dastuurka qabyo qoraalka ah ( f) in ciidanka Soomaaliyeed nabadgelyada dalka kala wareego kuwa AMISOM ( g) sameynta tirakoob dadweyne( h) iyo in doorashooyin xor ahi dalka ka dhacaan bartamaha 2016.
- In la dhiso garsoor madaxbanaan heerarkiisii kala duwanaa gaar ahaan golaha adeega garsoorka iyo maxkamada dastuuriga si aysan meesha uga bixin awoodii fasiraada shuruucda,garsoor lagu kasoonaan karo iyo in xeerarka dalka dabaqaadooda la mideeyo.
- Diyaarinta shuruuc ama xeerar daah furan (accountability and transparenty) oo wax lagu maamulo oo khuseeyo dhamaan hayadaha ku caan baxay wax is dabamarinta dawlada sida canshuuraadka,qandaraasyada, shatiyada wax dhoofinta iyo soo dejinta,amaahda bangiyada qaranku bixiyaan, shaqo bixinta, deeqaha waxbarashada,dalacaadaha, magacaabista xilalka dawlada, maamulka dhul bixinta iyo beeraha,heshiisyada shirkadaha shisheeye lagala galo kheyraadka dabiiciga ah kuwaasoo ah cudurada ay ku soo gabadaan musuqmaasuqa iyo xadgugubyada shacabka soo wajaho suurogalna ay noqon karto in ay cawaaqib xumi dhasho sidii horay u dhacday.
- In la dejio manhaj mideeyo waxbarashada dalka oo la jaanqaadi kara qarnigan21aad si loo helo aqoonyahano iyo xirfadlayaal mustaqbalka ka qeyb qaadan karto horumarka dalka , manhajkaasi waa in uu noqdaa mid u diyaariyo ardayga ku baraarugsanaanta wadaniyada,nabada iyo u hogaansanaanta shuruucda dalka sidoo kale waa in awood la saaraa tayeynta macalimiinta( quality of teaching) agabka waxbarashada isla markaana la xoojiyo doorka waalidku ku leeyahay waxbarashada ubadkooda.
- In laga fogaado loolanka awoodaha taasoo inta badan keena khilaaf iyo isqabqabsi ka dhasho hawl fulinta Dawlada loona baahanyahay in haydaha dawladu si gurmad ah u shaqeeyaan , hayad ama masuul kastaahina ku dhex shaqeeyo xuduudaha awoodaha uu sharcigu siinayo ayadoo aney meesha ka marneyn in arrimaha culeyska gaarka ah leh ee soo wajaho Qaranka wadajir ah looga tashato.
- In heshiisyada caalamigaa la waafajiyo shuruucda iyo baahida Dalka ayadoo laga ilaalinayo wax dhibaal uu keeni kara diinta ,dhaqanka,deegaanka iyo ka fogaashaha daneysiga, dibna loo eego khaladaadkii siyaasadeed,maamul iyo diplomasiyadeed ee la galay xiliyadii dawladii hore.
- In la dhiso hayada shaqaalaha qaranka (public services commission) oo hawshiisuna noqonto shaqaleynta, qiimeynta, abaalmarinta,hawlgabka shaqalaha dowlada sidoo kale waxa ay hay’adu masuul ka noqont in shaqalaha dowladu ka madax banaanaadaan siyaasad,hayad iyo shaqsi gaar ah (political neutrality) iyo diyaarinta xeerka habdhaqanka shaqalaha dowlada (public servant code of conduct) taasi waxay suragelin in laga badbaado in shaqaalaha dawladu noqon qof qof u shaqeeyo ee aw noqdo shaqaale dawlad u shaqeeyo loogana gudbo cudurka xun ee fomulaha Qabiil wax ku qeybsiga shaqaalaha dawlada oo dawladihii hore laga dhex arkayey.
- Shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nooli 60% waxa ay dadoodu ka hooseysaa sano 40 jir, taasi waxa ay noo muujini in aney feker fiican ka haysan Dawladnimo sidaasi daraadeed waxa horseedi karo in kalsoonidooda la helo hadii wax laga qabto arimaha aasaasiga ah ee adeega bulshada si ay uga faaideystaan dadka ugu nugul ama saboolsan shacabka sida biyaha,waxbarashada,caafimaadka ,daryeelka kuwa lixaadkoodu dhiman yahay,kuwa dhimirka la iyo agoonta.
Talo ku socoto shacbiga soomaaliyeed.
Shacbiga Soomaaliyeed waa hal qowmiyad oo ka kooban qabaailo an qaran noqon.
Karin,qabiilka waa in an la dhaafin xuduuda alle diinta islaamku noogu sheegay oo ah in la isku garto oo qur ah, hadii an danaheena ku raadino qabyaalad qaran ku milan waxey la mid tahay in la dacmo in si gaar ah loo daneysto oo wax an Soomaliyi wada helin in cid gaar ahi u hawooto.
Dadka Soomaaliyeed lagama dhex heli karo qabiil isku dano ah waayoo qabiilku waxa aw isugu jiraa qeybo ku kala duwan dhaqaalaha, aqoonta, xirfada, degaanka, baahida, nolosha,iyo fekarka waxa isku qoys ah inta isku dano ah,waxana u adeegi karo oo qur ah dawlad qeyb walba ugu tal gasho qorshe iyo istrateejiyad maslaxadoodu ku jirto oo an cidina lagu dulmeynin ama an sed-dheeraad ah la siin.
Gebogebo.
Wixii shalay nagu dhacay waxba kama qaban karno,waxa maantay dhacayo ama beri imaandoono wax baa laga qaban karaa hadii an aaminsanahay in dalku naga dhexeeyo dawlad iyo shacbiba u guntano in an dhisno bulsho qabyaalad xor ka ah(free state of tribalism) hadii an hadafkaas ka dhabeyno caruurteenu dhaxal wanaagsan ayey heli.
Dawladu waa in ay sharciga wax ku xukuntaa,cadaalad la timaadaa,dastuurkana dabaqdaa, sidoo kale shacbiguna waa in dawlada si daacad ah u taageero dulqaad iyo is aaminaad muujiyo ,difaanco dastuurka iyo shuruucda dalka kulana xisaabtamo dawlada xuquuqdeena.
Hadii an lumino fursadan qaaliga ah dalkeenu waxa aw halis ugu jiraa in aw ku dhaco odoroskii alaha u naxariistee abwaan Gaariye wixii qabyo ka ahaa.
Ilaahow Soomaali badbaadi.
Elmi Farah Nur ( Webi)