Isbahaysiga Cusub ee Geeska Afrika.. iyo Itoobiya oo ka maqan (Warbixin).

35
0

Shirkii Saddex geesoodka ahaa ee bishan ka dhacay magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Masar Cabdifattaax Al-sisi iyo Madaxweynaha martida loo ahaa Isaias Afwerki, ayaa laga yaabaa inuu daah furo weji cusub oo Isbaheysi ah, oo uu  yeesho Geeska Afrika.

Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa ku soo beegmay, xilli uu xumaaday xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland, Si ay u helaan deked badeed, saldhigna uga dhistaan badda,  Itoobiyana ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, taas oo ay DF ku gacan sayrtay, kadib markii hashiiskaas loo soo mari waayay iyada, wuxuuna  carrabka ku dhuftay madaxwaynaha DF in Itoobiya aysan bad udiidaneen balse wadda ay ku raadinaysa ay tahay mid khaldan.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xumaaday, kadib markii Itoobiya ay heshiis nabadeed kula saxiixatay Jabhadda Xoreynta Tigray-ga  magaalada  Pretoria ee dalka  Koonfur Afrika, heshiiskaas ayaa u muuqday mid ay ku qancin Eritrea, waxayna u aragtay joogitaanka Jabhadda Xoraynta Tigrayga mid khatar ku ah amnigeeda.

 

Shirkii ka dhacay Asmara ayaa gaba gabadii laga soo saaray bayaan ka kooban 7 qodob, oo u muuqday in ay ku wajahan yihiin Itoobiya oo noqotay mid uu u abuurmay Isbaheysi cusub oo iyada ka dhan ah, waxaana inta badan diiradda lagu saaray taageerada midnimada Soomaaliya, Madaxbanaanideeda iyo joojinta talaabooyin khatar ku ah madax banaanideeda dhuleed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero la dagaallanka Xarakada Mujaahidiinta Al- shabaab oo inta badan maamusha soomaaliya, waxaana lagu baaqay in laga caawiyo dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii ay dhaqaale uga heli lahayd saaxiibada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo maalgeliyo howlgalka Midowga Afrika ee soo socda.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday in soomaliya loo diro ciidamo la hawl gala ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyadoo Itoobiya aysan qeyb ka ahayn.

Gebagebadii kulanka, saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi wadajir oo joogto ah, oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda si kor loogu qaado iskaashiga istiraatijiyadeed oo dhinac walba ah.

Jawaabta  Itoobiya ma noqon mid aad u dheer, iyadoo si dhow ula socotay shirkaas, madaxweynaha cusub ee Itoobiya Taiye Atsekele ayaa sheegay, in Itoobiya ay sii wadi doonto hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxeexatay Somaliland,  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa war-saxaafadeedkeed toddobaadla ah ku sheegtay, in dawladda Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii ay u yarayn lahayd xiisadaha iyo oll-olaha aan loo baahnayn ee lagu xumaynaya sumcadeeda, iyadoo aanan tixgilin shirkii lagu qabtay Asmara.

Dhanaca kale dowladda Suudaan laguma casuumin shirka, Waxaa laga yaabaa in ay sababtu tahay dagaalka hadda ka socda Suudaan ee u dhexeeya malatariga iyo xoogagga taageerada degdega ah, laakiin fikradda isbahaysiga Geeska Afrika ma ahayn fikrad cusub, maxaayeelay madaxweynihii hore  ee suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa horay u gudbiyay warqad uu ku codsaday  in la abuuro urur ka tirsan Geeska Afrika oo ay ku jiraan Suudaan, Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti, iyo Soomaaliya, laakiin Suudaan oo u xuubsiibtay xasillooni darro tan iyo 2018 ayaa keentay in mashruuca dib loo dhigo.

Balse madaxweynaha Ereteriya Afwerki ayaa hindisahaas qaatay, wuxuuna ku casuumay madaxweynihii hore ee DF Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, shir madaxeedka saddex geesoodka ah ee ka dhacay Asmara ayaa looga hadlay sidii isbahaysi loogu sameyn lahaa Geeska Afrika,  laakiin hindisahaas ayaa fashilmay, Sababo la xiriira khilaafka Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo cusboonaaday kadib markii dowladda Itoobiya ay heshiis nabadeed la saxiixatay Jabhadda Xoreynta Tigrayga, iyadoo aan oggolaansho laga helin Eritrea.

Isbahaysigan saddex geesoodka ah, ayaa sidoo kale khataro amni oo la taaban karo u keenaya Itoobiya, oo ay ku jiraan suurtagalnimada in uu kordho gardarrada milatari iyo xifaaltanka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya, Eritera iyo Jabhadda Tigrayga, waxa kale oo laga yaabaa in ay sare u qaaddo dhoolatusyada milatari ee wadajirka ah iyo is-dhaafsiga macluumaadka sirta ah ee dalalkaas. Iyadoo ujeedadu tahay in lagu wiiqo xasiloonida Itoobiya.

Khubaradu waxay kula talinayaan dawladda Itoobiya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka ay dariska yihiin ee Sudan iyo Kenya si loo dheellitiro gardara kasta oo iman karta.

Ugu danbaytii

Horay waxaa loo yiri “Dagaallo waa la huriyaa si nabad loo gaaro” waxaad mooddaa in mid kasta oo ka  mid ah dalalkaas, uu raadinayo in Itoobiya cadaadis lagu saaro sidii ay wax uga badali lahayd mowqifkeeda gardarada ah ee ku wajahan saddexdaas dal, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso in ay meesha ka saarto. heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Masar waxay rajaynaysaa in Itoobiya ay dib u eegis ku samayso biyo xireenka Al-nahda oo ay aqbaso miiska wada-hadalka, si loo wadaago biyaha wabiga. Halka ay Eritrea walaac ka muujinaysa amnigeeda inta ay jirto Jabhada Xoraynta Tigray, Asmara ayaana u aragtaa Jabhaddaas cadow taariikhiya oo soo jiraan ah.

Saamaynta isbahaysigan Saddex geesoodka ah ayaan u muuqan mid xooggan, maadaama aanay saddexda waddan wadaagin wax xuduud ah, uuna jirin masiir midaysan oo ka dhaxeeya dalalkaas, balse qolo kasta oo Isbahaysigan ka tirsan waxaa caqabad ku ah dawladda Itoobiya, oo weli diiradda saaraysa dhibaatooyinka ay ku haysa  gobolka Geeska Afrika.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here