Islaamnimadu Dhaxaltooyo Ma’aha [Maqaal].

39
0

Ogow Islaamku waa xarig guntimo adag oo Allaah kugu xiraya. Sida kaliya ee uu ku guntamaana ay tahay in qofku aqoon iyo ogaal dhab ah u leeyahay LAA ILAAHA ILLA LAAHU; waxa ay keensaneyso, macnaheeda, tiirarkeeda, shuruuddeeda iyo waxa la xiriira oo dhan, kaddibna uu kaga dhabeeyo noloshiisa.

LAA ILAAHA ILLA LAAHU haddii aan aqoon iyo ogaal loo yeelan, noloshana lagu maareyn waxa ay noqoneysaa oraah maran oo afka ku eg, kan yirina aan waxba u tareyn aakhiro sida aysan adduunka noloshiisa waxba uga beddelin.

Haddaan dib u eegno bilowgii Islaamka mushrikiintii Qureysh waa ay diideen in ay ku dhawaaqaan LAA ILAAHA ILLA LAAHU markii Abuu Daalib isku dayey in uu dhexdhexaadiyo Nabiga (SCW) iyo Qureysh, Nabiguna(SCW) ku yiri:

waxa kaliya oo aan ka rabaa in ay hal kalimad yiraahdaan markaas ay yiraahdeen: toban ayaa oraneynaa, kaddib Nabigu(SCW) yiri:
“DHAHA LAA ILAAHA ILLA LAAHU WAAD LIIBANEYSANE” oo kolkaas jawaabtoodii noqotay: “TAN MAYA”.

Waxa ay u diideen waa aqoonta iyo garashada ay u lahaayeen macnaha weyn iyo isbeddelka ay kalimaddu wadato.
Waxa ay ka qanacsanaayeen in aysan ku ekaaneyn oraah afka laga yiraa.
مَنْ قال لَا إلهَ إلَّا اللهَ، وكفَرَ بِما يعبُدونَ مِنَ دونِ اللهِ، حرُمَ مَالُهُ، ودَمُهُ، وحسابُهُ على اللهِ عزَّ وجلَّ

WQ: Abdullahi Axmed Nur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here