Koox hubaysan oo isugu yeerta Jabhadda Xoreynta Azaawad oo dagaalka kula jirta dowladda Maali iyo xulafadeeda ayaa ku dhawaaqday, inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maali ayna wadeen duuliyaal Raashiyaan ah, xilli ay diyaaradaasi isku dayaysay inay beegsato ciidamadooda oo roonda ku jiray.
Diyaaradda oo markii gantaalka lala eegtay ku dulburbutay wabi halkaasi mara, ayaa waxa ka booday labo duuliye oo Raashiyaan ah, kuwaas oo iyagoo qabo dhaawacyo halis ah ay dooma kusoo badbaadiyeen dad ka kalluumaysanayay wabigaas, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay jabhaddaas.
Jabhadda mucaaradka ah ee Azawaad ayaa ah dhaqdhaqaaq ciidan iyo mid siyaasi oo laga aas-aasay gobolka Azaawad ee waqooyiga Maali, waxayna doonayaan inay halkaasi ka dhisaan dowlad ka madax banaan maali inteeda kale.