Jabhada M-23 oo ku Dhawaaqday Inay Isaga Baxayso Magaallo Istaraatiiji ah oo ku Taalla Bariga Dalka Koongo.

8
0

Jabhada M-23 ee ka dagaalanta bariga jamhuuriyada dimuqraadiga ee Koongo ayaa ku dhawaaqday, inay ka baxayso magaalada istaraatiijiga ah ee Walikale, waxayna talaabadani ku sifaysay mid ay ku doonayso in lagu dardar galiyo wadahadalada  kala dhaxeeya dawladda Koongo ee ay garwadeenka ka tahay dawladda Qatar.

Maleeshiyaadkan ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinka Goma iyo Bukavu ee bariga dalkaas, kaddib dagaalo qaraar oo ay la galeen ciidamada dowlada oo ay ku dhinteen kumaan kun oo qof, halka ay ku barakaceen boqolaal kun oo shacab ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay ciidamada Koongo ayaa xaqiijisay, in jabhaddu ay isaga baxday magaalada Walikale, isla markaana ay weli halkaas ku sugan yihiin ciidamado aan ayaga ka amar qaadan, iyadoo ay kooxdu digniin ka bixisay in ciidamada dawladdu aysan wax dhibaato ah u gaysan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladan.

Walikale waa magaalo istaraatiiji ah oo muhiim ah, iskuna xirta afar gobol oo ku yaalla bariga jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Congo. Waana magaalo qani ku ah macdanta dahabka, waxaana dadka ku nool la soo dersay xaalado bini’aadantinimo oo aad u liidata, kaddib dagaalada labadii bilood ee la soo dhaafay magaaladan ku dhex marayay ciidamada dowladda iyo kuwa M-23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here