Madaxweynaha dalka Nikraaguwaa ayaa amar ku bixiyay in la jaro xiriirka diblumaasiyadeed ee uu dalkaasi la leeyahay maamulka Yahuudda.
Madaxweyne ku xigeenka Nikraaguwaa , haweenayda lagu magacaabo Rosario Murillo ayaa tiri: “Madaxweyne Daniel Ortega ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ku amray inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Israa’iil”
Murillo waxay intaas ku dartay “Madaxweynaheenu wuxuu faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u hoggaansanto codsiga baarlamaanka, oo ay u jarto xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil taas oo gaysatay xasuuqa wadareed”
Sida laga soo xigtay Murillo, wareegtada lagu jarayo xiriirka ayaa la daabici doonaa saacadaha soo socda.
Jamhuuriyadaan oo dhacda bartamaha qaaradda ameerika, gaar ahaana kala goyska labada dhinac ee koonfurta ameerika iyo waqooyiga ameerika, ayaa horay uqaadatay mowqif cad oo ka dhan ah gardarrada uu maamulka Yahuudda ku hayo marinka Gaza.
Bishii Abriil ee la soo dhaafay, jamhuuriyadda Nikraaguwaa waxay ku eedaysay dawladda Jarmalka inay sii waddo bixinta hubka, iyadoona og in lagu xasuuqaya shacabka reer Qaza.
Jamhuuriyadda Nikraaguwaa ayaa Jarmalka ku cambaaraysay taageerada ay u fidinayso gumaystaha Yahuudda, waxayna tiri: “Waa nasiib darro ah in Jarmalku hub siinayo Yahuudda , isagoo hadana sheeganayo in uu gargaar siinayo Gaza.”
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dawladaha carabta ay ukala baratamayaan sidii ay ucaadaynlahaayeen calaqaadka kala dhaxeeyo maamulka Yahuudda.