Janaraal hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in ciidamada Sahaayinadu aysan illaa iyo hadda ka adkaanin dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamas.
Warbaahinta Yahuudda waxay kasoo xigatay Janaraalkan inuu yiri “ciidanku waxay ku jiraan xaalad dhiig bax ah, askartuna hadda waxay diidan yihiin shaqada milatariga”.
Janaraalkaan hawl-gabka ah ayaa intaa ku daray, in la magacaabay wasiir cusub oo aan uqalmin xilka wasiirka gaashaandhigga, isagoo tixraacaya xil ka qaadistii Yoav Galat, laguna bedelay Yisrael Katz, isagoo intaa ku daray, in wasiirka gaashaandhigga dhabta ah uu yahay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Wuxuu sidoo kale janaraalku sheegay, in ciidamada Yahuudda ay ku jabeen dagaalkii dhanka dhulka ahaa ee ay ku qaadeen Lubnaan, wuxuuna yiri mar uu ka hadlayay arintaas “Waxa maalin kasta nagula garaacayaa boqollaal gantaal oo ka imaanaya Lubnaan, dagaalkan waa na baabi’inayaa”