Raisul Wazarihii xukumada Bishaar Al-Asad, Muxammad Ghazi Al-Jalali, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan hoggaan kasta oo ay doortaan shacabka Suuriya, isagoo dhanka kalana taliyaha howlgallada milateri ee mucaaradka Suuriya, Axmed Al-Sharaa Julani, uu ku dhawaaqay in al-Jalali uu kormeeri doono hay’adaha dawliga ah ilaa inta laga wareejinayo.
Al-Jalali ayaa sheegay, in ay gacmaha u fidiyeen muwaadin kasta oo Suuriyaan ah oo u heellan in uu ilaaliyo awoodda dalka, wuxuuna sheegay inuu u rajaynayo dhammaan dadka Suuriyaanka ah, inay si caqli gal ah uga fikiraan maslaxadda dalkooda, isagoo ku nuux-nuuxsaday in uu aaminsan yahay in Suuriya ay tahay meel ay ku aamin gali karaan dhammaan dadka Suuriyaanka ah.
Dhankiisa, taliyaha howlgallada milateri ee mucaaradka Suuriya, Axmed Al-Sharaa Jawlaani ayaa awaamiir cusub u jeediyay ciidamadiisa ku sugan caasimadda Dimishiq. Waxa uu sheegay, in dhammaan kooxaha mucaaradka ah ee kusugan magaalada Dimishiq ay gabi ahaanba ka fogaadaan in ay u dhawaadaan xarumaha dowladda, kuwaas oo uu kormeere kasii ahaan doono Ra’iisul wasaarihii hore illaa inta si rasmi ah looga wareejinayo, Wuxuu sidoo kale ciidamadiisa ku war galiyay in aysan wax hub ah magaalada ka dhex ridin.
Hoggaamiyaha Hay’at Taxriir Al-Shaam, Abuu Muxamed Al-Jawlaani oo ah hoggaamiyaha ugu caansan mucaaradka hubeysan ayaa ku tilmaamay gacan ku heynta magaalada Xims mid taariikhi ah, wuxuuna ku boorriyay dagaalyahannada inaysan waxyeello u geysan ciidamadii Bishaar ee hubka dhigay.
Dagaalyahanada mucaaradka ayaa kumanaan maxaabiis ah ka sii daayay xabsiga magaalada, ciidamadii Bishaar Al-Asad ayaana degdeg uga baxay magaalada, kaddib markii ay gubeen dukumiintiyadoodii.