DEG-DEG: Jihaadiyiinta Al-Shabaab oo si Buuxda ula Wareegay Gacan ku heynta deegaanka Bariire.

28
0

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya, in malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye kadib markii ciidamada dowladda Fadaraalka cabsi awgeed isaga carareen deegaankaas.

Ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa deegaankaas ayaa cagta furay, iyagoo ka cabsi qabo inay ku dhacaan, waxii ku habsaday saxiibadoodii ku sugnaa Awdheegle iyo Zabiid oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Bariire waa deegaan horay u marti galiyay macriko aad u wayn oo ay fuliyeen malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo ciidamada dowladda Fadaraalka looga laayay askar farabadan, loogana soo furtay hub iyo saanad malatari.

Maanta  waxa uu dib ugu soo laabtay gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu maamulayaa Shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here