Ciidamada Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin ayaa qarax ku burburiyay gaari gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamada dowlada Burkina Faso.
Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada (Dien) iyo (Didougou) oo ka tirsan gobolka (Didougou) ee dalka Burkina Faso, maalintii Sabtida ee shalay ahayd.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee Ciidamada Alqaacida ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda ciidamada dowlada Burkina Faso, kuwaas oo dhankooda wada howlgal militari ee ku dooneyaan in ay ku xakameyso dhaq-dhaqaaqa kooxaha jihaadiga ah ee ka hawlgala gudaha dalkaas.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin, qaraxan ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray gaari gaashaaman, iyagoo faafiyay sawirada gaariga burburay.
Tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli gobolka Didougou uu ka mid noqday meelaha ugu daran ee ay ka socdaan weerarada iyo qaraxyada ay fulinayaan jihaadiyiinta Alqaacida, taas oo muujinaysa in gulufka jihaadiga ahi uu sii xoogeysanayo, isla markaana ciidamada dowlada Burkina Faso ay ku adkaanayso in ay ka hortagaan weeraradan oo kale.