Madaxweynaha dowladda Marerkanka Joe Biden ayaa qadka teleefanka kula hadlay madaxwaynaha maamulka gumaystaha Israa’iil Benjamin Netanyahu, asagoo ku amray in xabad joojin iyo hishiis degdeg ah uu ka gaaro dagaalka Gaza.
“Biden ayaa si caro ay ku jirto ugu sheegay Netanyahu inuu doonayo inuu heshiis degdeg ah lagu gaaro mudo hal ilaa laba toddobaad gudahood ah.” Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gumaystaha Yahuuda.
Sidoo kale, Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in hadii uu rabo dagaal weyn oo gobolka ka qarxo in Mareykanka aysan badbaadin doonin maamulka gumaystaha loona baahan yahay in xukumada Netanyahu ay isku tashato.
Dowladda Mareykanka iyo dowladaha reer galbeedka ayaa u muuqda kuwo walaac badan ka qaba in uu qarxo dagaal saf-baallaran ah oo ka dhan gumaystaha Yahuuda.
Khubarada falaanqeeya dagaalada ayaa sheegay in ay macquul tahay in dagaalka ka socdo marinka Gaza uu ku fido mandiqadda oo idil sida Lubnan, Ciraaq, Suuriya iyo wadamo kale.