Taliyaha Guud ee Qolka Hawl-gallada Mucaaradka ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa (Abuu Muxammad Al- Jowlaani), ayaa sheegay in “Liiska ugu horreeya ee magacyada dadka ku lugta leh jir-dilka shacabka Suuriya dhawaan la daabici doono, si loo maxkamadeeyo, loolana xisaabtamo.”
Waxa uu intaa ku daray, bayaan uu soo saaray subaxnimadii Talaadada, in abaal-marin la siin doono cid kasta oo keenta xog ku saabsan mas’uuliyiinta sarsare iyo saraakiisha ammaanka ee ku lug lahaa dembiyo dagaal xilligii uu xukunka hayay Bishaar Al-asad.
Al-Sharaa ayaa ballan qaaday, in aysan ka waaban doonin in lala xisaabtamo dambiilayaasha gacan ku dhiiglayaasha ahaa, saraakiishii ammaanka iyo ciidamadi ku howlanaa jirdilka shacabka Suuriya, isagoo carabka ku adkeeyay, in lagu daba jiro, lagana codsan doono dalalka ay u carareen in lala xisaabtamo.
Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay in aan saamaxno kuwa aan gacmahooda ku wasakhaynin dhiigga shacabka Suuriya, waxaana cafis u fidinnay kuwa sida xoogga ah lagu askareeyay,” isaga oo carabka ku adkeeyay, in dhiigga iyo xuquuqda dadka dhintay iyo kuwa maxaabiista ah ee aan waxba galabsanin uusan noqon doonin mid bilaash ah oo la hilmaamo.”