Katz: Yahuudda Waxay Doonaysaa inay Koonfurta Suuriya ka Dhigto Aag Hubka ka Caaggan.

22
0

Wasiirka Difaaca Yahuudda Yisrael Katz ayaa sheegay, in Sahaayinada ay iska difaaci doonto khatar kasta oo uga timaado dalka Suuriya, waa sida uu hadalka u dhigaye, iyadoo la eegayo duullaanka joogtada ah ee ay Yahuuddu ku hayso Koonfurta Suuriya.

Katz waxa uu sharaxay, in Yahuuddu ay xaqiijin doonto in Koonfurta Suuriya ay sii ahaan doonto mid ka caaggan hubka oo aysan khataro ku jirin, isaga oo carabka ku adkeeyay, in ciidamada Yahuudda ay ku sii sugnaan doonaan Buurta Hermon ayna ilaalin doonaan bulshooyinka Golan iyo Galili, sida uu hadalka u dhigay.

Labo maalmood ka hor, ciidammada Yahuudda oo wata dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa gudaha u galay tuulada Ain al-Nuriya, magaalada Umm Batna, iyo magaalada Suwaya oo ka tirsan baadiyaha Quneitra ee dalka Suuriya, iyagoo raadinaya hub iyo rasaas, duullaankaas ayaana ahaa kii saddexaad oo noociisa ah muddo 24 saacadood gudahood ah.

Tuulooyinka Suuriya iyo magaalooyinka ku dhow dhow dhulka Golan ee la haysto ayaa waxaa ka socda duullaanno soo noq-noqday, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weerarkii ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen saldhig milateri oo ku yaalla Tal al-Malbrif oo ka tirsan gobolka Quneitra, halkaasoo ay hub ka baareen, ka hor intii aysan ka bixin iyagoo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa sahanka.

Yahuudda waxay doonaysaa inay ka faa’iidaysato xiisadaha ka jira Suuriya, iyadoo maamulka rasmiga ah ee warbaahinta Sahaayinada ay Sabtidii sheegeen, in Ra’iisul Wasaare Yahuudda Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yisrael Katz ay ku amreen ciidanka inay u diyaar garoobaan ilaalinta aagga Druze ee Jaramana, oo ku yaal meel 60 kiiloomitir u jirta xad beenaadka uu dalkaas la wadaaga Falastiinta gumaysiga ku jirta.

Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa sheegay, in xadgudubyada joogtada ah ee ay Yahuuddu ku hayso dhulka Suuriya ay u baahan tahay in dalalka Carabta ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen khatartooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here