Kayyaanka Yahuudda oo Duqeymo Cusub ka Geystay Qaybo kamida Dalka Suuriya.

11
0

Yahuudda ayaa dhowr duqeymo cirka ah galabnimadii shalay ku qaaday dalka Suuriya, iyadoo bartilmaameedsatay saddex goobood oo ku yaalla baadiyaha gobollada Al-Laadiqiyah iyo Dhardhuus, duqeymahaas oo sababay kasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeymahan uu kayyaanka Yahuudda ka fuliyay dalka Suuriya ku dhintay hal qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka ee dalkaas.

Wakaalada wararka Siiriya ee SANA ayaa sheegtay, in duqeymaha Yahuudda ay bartilmaameedsadeen agagaarka tuulooyinka Zaama iyo Burj-Islaam ee ku wada yaalla baadiyaha gobalka Al-Laadiqiyah, iyo sidoo kale agagaarka dekedda Dhardhuus. TV-ga Suuriya ayaa dhankiisa sheegay, in Yahuudda ay duqeymo ku garaacday baadiyaha magaalada Jablah ee koonfurta gobolka Al-Laadiqiyah.

Wakaaladda Suuriya ayaa tilmaamtay, in duqeyntu ay sidoo kale sababtay burbur hantiyeed oo soo gaaray goobihii la beegsaday.

Taa baddalkeeda, ciidanka Yahuudda ayaa sheegay, inay duqeeyeen bakhaarro hub ah oo ay ku jireen gantaallada badda, kuwaas oo ku yaalla gobolka Al-Laadiqiyah ee dalka Suuriya, waxayna sheegeen ciidamada Yahuudda, inuu hubkaasi khatar ku ahaa maraakiibtooda badda.

Gumaystaha Yahuudda ee xaaqidka ah ayaa duulaankiisa ka dhanka ah Suuriya laba jibaaray tan iyo markii meesha laga saaray nimaamkii kali taliska ahaa ee Bashaar Al-Asad, isagoona waa gumaystaha ee duulaan dhulka ah kusoo galay qaybo kamida dalkaas, balse weerarradiisa dhanka cirka ah ayaa si weyn u joogsaday Toddobaadyadii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here