Shalay oo Talaado ahayd waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kulan uu kasoo qeyb qalay madaxweynaha wadankaas Wiiliam Ruto kaasoo loogu ololeynayo sidii uu hogaanka ururka u qaban lahaa Raila Odinga.
Xafladdan waxaa soo xaadiray madaxweynayaasha Koofurta Suudaan, Tanzaniya, Uganda iyo Ra’iisulwasaaraha Burundi.
Madaxweynaha DF oo kahor inta uusan dhicin shirka loo diray warqad casuumaad ah islamarkaana aqbalay inuu kasoo qeybgalo ayaa habeen hore Ruto u sheegay inuusan kasoo qeybgali karin shirka.
Xasan Sheekh ayaa shirka uga baaqday culeysyo dhanka canshuurta ah iyo dadaal uu ugu jiro sidii uu dhaqaale badan uga heli lahaa bulshada Muqdisho haddii uu u suuragalo isku daygiisa.
Ruto ayaa madaxda Afrikaanka ah ee kala soo qeybgalay munaasabadda ka codsaday iney ololaha kala qeyb qaataan.