Gantaalada ay kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen ku soo tuurtay dhanka Yahuudda ayaa daaha ka rogay fashilka ku yimid nidaamka difaaca hawada sare ee Tel Aviv, si uu ula tacaalo weeraradan, sida uu sheegay khabiirkan milatariga Sareeye Guuto Elias Hanna.
Fashilkani waxa uu ka turjumayaa Tabar-darrad ka jirta nidaamka difaaca cirka ee Sahaayinada iyo nidaamka THAAD ee uu Maraykanku ugu deeqay Yahuudda, maadaama loogu tala galay inay la tacaalaan gantaaladaasi oo ay dhexda u galaan ka hor inta aanay gaarin dhulka ay Yahuuddu gumaysato, balse taas ma dhicin oo gantaalaha gudaha Yahuudda ayay soo gaarayaan, taas oo aan horay u dhicin, sida uu sheegaya khabirkan.
Idaacada Ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijisay, in ay ciidamada Yahuuddu qabteen Labo gantaal oo nooca Balaastikada ah oo ay Xuuthiyiintu soo rideen fiidnimadii Isniinta, waxaana ay sheegeen in mid ka mid ah lagu qabtay gudaha hawada dhulka ay Yahuuddu gumaysato, taasi oo uu beeniyay ku xigeenka madaxa warbaahinta Xuuthiyiinta, isagoona xaqiijiyay, in Labada gantaalba ay soo gaareen samada dhulka la haysto ee falastiin iyadoo aan la kala dhex gelin.
Khabiirka milatariga ee Hanna waxa uu sheegay, in laga yaabo in gantaalada Xuutiyiinta ay ku rakiban yihiin teknoolojiyad cusub oo awood u leh in ay gudaha u galaan nidaamka difaaca hawada, kaas oo sidoo kale la kulmaya dhibaatooyin la xiriira la tacaalidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Khabiirkan milateriga ah ayaa tilmaamay, in Xuutiyiinta ay xilligan noqotay dal weyn oo garab taagan Marinka Gaza, isagoo sheegay in duqeymaha ay fulinayso Yahuudda aysan ka hor-istaagi doonin Xuutiyiinta inay sii wadaan gantaallada.
Yahuudda waxa ay dhibaato kala kulmeysaa Xuutiyiinta, taas oo ah fogaanta iyo sirdoon la’aanta, taas oo ka dhigaysa in ay u baahan tahay iskaashi weyn oo dhanka Mareykan ah si looga gudbo caqabada fogaanshaha ah, sida uu qabo Hanna.
Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay, in la hakiyay duulimaadkii garoonka Ben Gurion, diyaaradahana laga weeciyay, kaddib markii Labo gantaal laga soo riday Yemen.
Hadda uguma horeyso inay Xuuthiyiintu bartilmaameedsadaan wadnaha Yahuudda, waxaa horoy usuurta galay, in ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacaan magaalada Tel Aviv, taas oo jawaab u ahayd duqeymaha ay ciidamada gumeysiga ku qaadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo magaalada Xudeyda.