Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay waxay weerar ku qaadeen, saldhig ay asakrta dolwadda fedaraalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Waxaa sii kordhay khasaaraha ciidamada DF lagu gaarsiiyay weerar ka shalay ka dhacay xaafada Haanta-dheer ee degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Sida aan ku heleyno warar lagu kalsoon yahay tirada dhimashada ayaa gaartay 9 askari, halka dhaawaca uu marayo 4 kale oo uu ku jiro taliye horin lagu magacaabo Kuulle.
Sidoo kale waxaa weerarka lagu gubay gaari nuuca raaxada ah oo ay wateen ciidamada DF ee weerarka la kulmay, waxaana u suurto gashay ciidamada Xarakada Al-Shabaab in weerarkaas ay ku qansadaan hub iyo agabyo ciidan.