Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helay weerar culus oo habeen lagu qaaday ciidamada xabashida Itoobiya.
Weerarka ayaa loo adeegsaday madaafiic, waxaana lala beegsaday saldhig ay ku leeyihiin ciidamada xabashida Itoobiya Eleboorka magalaada Baydhabo.
Khasaaraha soo gaaray askarta xabashida Itoobiya ayaa ah:
Dhimashada 6 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca 2 askari.
Ciidamada xabashida Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa si joogta ah ula kulma weeraro culus oo kaga imaanaya dhanka xarakada Alshabaab.
Ciidamada Xabashida ayaa u muuqda kuwo ku soo aruuray oo isku soo xiray xerooyinka ay kaga sugan yihiin magaalooyinka ay haystaan dalka Soomaaliya.