Ururka shiiciga ah ee Xisbullaah ee dagaalka ba’an kula jira gumaystaha Yahuudda ayaa soo bandhigay tirkoobyo uu ku muujinayo khasaaraha gaaray ciidamada Yahuudda tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhanka dhulka ah ee ay Sahaayinadu kusoo qaaday koonfurta dalka Lubnaan.
Waxayna shaaciyeen in dhimashada ciidamada Yahuuddu ay ka badantahay 95 ruux, halka dhaawacana uu kor udhaafaya 900, kuwaas oo isugu jira saraakiil iyo askar, iyagoona xusay in isla waqtigaas dagaalyahanadooda ay burburiyeen 50 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda, kuwaas oo u badnaa taangiyo, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray qolka hawlgallada ee Xisbullaah, fiidnimadii Khamiista, kaas oo lagu diiwaangaliyay tirada guud ee khasaaraha ciidanka Yahuudda gaaray.
Waxa uu intaa ku daray bayaanka in Xisbullaah ay burburisay 42 taangi oo ah nooca loo yaqaana Merkava, 4 cagaf-cagaf ah, Labo gaari oo nooca Hummer ah, gaari gaashaaman, iyo gaari nooca ciidanka daabula, waxayna soo rideen 3 diyaaradood oo nooca Hormuz 450 ah iyo Labo diyaaradood oo ah Hormuz 900.
Bayaanka ayaa lagu sheegay, in khasaarahan uusan ku jirin khasaaraha Sahaayinada kasoo gaara saldhigyada ciidamada iyo magaalooyinka, lagu bartilmaameedsado gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.