Khilaafka Siyaasadeed ee u Dhaxeeya Dawladda Fadaraalka iyo Maamul Goboleedyada (Warbixin)

27
0

Soomaaliya waa dal baylah u noqday damacyada dawladaha shisheeye, lagasoo bilaabo qarnigii 19-naad bartamihiisii, wuxuu dalkeena Soomaaliya wajahayay damacyo guracan oo ay dawladdo gaallo ah ku doonayeen inay badd iyo barigaba ku qabsadaan, dawladahan waxaa hormuud ka ahaa wadamada dariska nala ah oo iskaashi siyaasadeed ka helaya reer galbeedka.

Shirkii Baarliin waxaa qaybo kamida Soomaaliya loo saxiixay inay leeyihiin Nasaarada Itoopiya ee cadaawada soo jireenka ah naga dhaxayso, sidoo kale dalka kale ee aan jaarka nahay ee Kenya, isna waxaa loo sixiixay lahaashiyaha gobalada waqooyi bari ee haatan ku hoos jira gumaysiga dawladda Kenya.

Dabinadaas shirqool ee dhulkii Soomaaliyeed loogu gacan galiyay dawladdo shisheeye, waxaa loo adeegsanayay  siyaasiyiin dabadhifyo u ah gumaystaha, kuwaas oo diinkoodii, dalkoodii iyo dad nimadoodiiba dhaafsaday sandareerto liidata, siyaasiyiintan ayaa dusha sare uga eg umadda Soomaaliyeed, balse uurka kala jira gumaystaha cadowga ku ah jiritaankeena umaddeed.

Lagasoo bilaabo burburka dawladii kacaanka ee Maxamed Siyad Barre, wuxuu dalku gallay dagaallo sokeeye, kuwaas oo hogaamiye kooxeedyo lakala safan qabiillo ay isku dagaalleen intabadan goballada dalka, dagaaladaas kaddib waxaa dalka laga hirgaliyay maamulo kumeel gaar ah oo ay si dad badan u xukumaysay dawlada Itoopiya, waxaana talada dalka loo gacan galiyay siyaasiyiin dhiig miirato ah, kuwaas oo dagaalladii qabaailka qayb wayn ka ahaa.

Maamuladan oo lagusoo dhisay dalalka dariska ah, ayaa waxaa madax looga dhigay shakhsiyaad dhulka Soomaaliyeed aad looga garan ogyahay, kuwaas oo caan ku ahaa dabadhilifnimada dawladaha shisheeye, waxayna ahaayeen kuwo siyaasad ahaan is khilaafsan, taas oo ay ugu wacan tahay danaha dawladaha ay kakala socdaan, oo ku kala duwan siyaasada lagu qabsanayo dalkan dihinka ku ah khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee madaxda ka ah dawladda Fadaralka iyo maamul goboleedyada, ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawada isku marinayay hadalo dhaliil ah oo midba midka kale ku sheegayo inuu uu dalka cadow ku yahay, isaguna uu wado maslaxada umadda, balse xaqiiqada loolanka u dhaxeeya siyiisiyiintan ayaa salka ku haya, siyaasado guracan oo ay dawladdaha dariska ah ka leeyihiin Soomaaliya.

Madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dawladda Fadaraalka ayaa isku haya taladda dalka, ayagoo mid kasta uu doonayo in isaga laga amar qaato, inta kalana ay raciyo u noqdaan siyaasadiisa, waxayna sababtay inay ku heshiin waayaan xaq duudsigii ay ku hayeen hantida umadda Soomaaliyeed. Maamuladan oo mid walba uu samaystay dastuur isaga ugaara, ayaa dalkii galiyay khilaaf siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn.

Maalinba maalinta xigta, waxaa sii kala fogaanaya siyaasada villa Soomaaliya iyo mida maamul gabaloodyada, waxayna cirka isku shareertay dhawaan markii mamul goboleedka lamagac baxay Jubaland uu doorashada madaxwaynanimada ka bilaabay magaalada Kismanyo, taas oo ugu dambayntii Axmed Madoobe uu dib iskugu caleemasaaray hogaaminta maamulkaas.

Maamulka Jubaland ayaa la dhisay dabayaaqada sanadkii 2012-ka, waxaana illaayo xiligaas talada maamulkan hayay Axmed Madobe oo ah dabadhilif ay dawlada Kenya ku shaqaysato, wuxuu hada markii Sadexaad ku fadhiistay xilka maamul goboleedka Jubaland,  taas oo ay dawladda Fadaralku si adag ugu gacan sayrtay, waxaana hada la dareemayaa saansaanta dagaal dhexmara Labadan maamul, kuwaas oo hada gobolka Jubada Hoose kawada hub aruursi.

Xassan Sheekh  ayaa doonaya inuu kismanyo ugacan galiyo siyaasiyiin kale oo isaga ku siyaasada, balse himilooyinkaas ayaa noqday kuwo uu ku hungoobay, wuxuuna sheegay inuu Axmed Madoobe la tiigsan doono Maxkamad, waxaana arintan Axmed Madoobe ku gacan siinaya dawlada Kenya oo askarteedu ku sugan yihiin magaalada Kismanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here