Kiev iyo Moscow ayaa isweydaarsaday weerarro cusub oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, halka Ukraine ay qiratay in ay dib uga guratay kala bar dhulkii ay ka talinaysay bilo ka hor oo katirsan gobolka Kursk oo dhaca galbeedka Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay, in ciidamada difaaca cirka ay soo rideen 50 ka mid ah 73 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo uu Ruushku kusoo weeraray gooba kala duwan oo katirsan dalkaas .
Warbaahinta ayaa soo tabinaysa, in qaraxyo laga maqlay magaalada Kyiv iyo agagaarkeeda, kaddib markii lagu bartilmaameedsaday weerar cusub oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ilo-wareedyo laga helayo Ukraine ayaa sheegaya, in 40 diyaaradood uu Ruushku kusoo weeraray Kiev iyo gobollo kale oo ku yaalla bariga iyo bartamaha dalkaas goor dambe oo fiidnimadii Sabtidi ah.
Kaddib weeraradaan, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wuxuu ugu baaqay la-hawlgalayaasha reer galbeedka ee Ukraine, inay bixiyaan nidaamka difaaca hawada oo awood u leh ilaalinta Ukraine.
Geesta kale, guddoomiyaha gobolka Kursk ee Ruushka, ninka lagu magacaabo Alexei Smirnov, ayaa ku dhawaaqay, in ciidamada difaaca cirka ay soo rideen 7 gantaal iyo 7 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ciidammada Ukraine ay xalay usoo rideen dhanka gobolka, Smirnov ayaana horay ugu dhawaaqay, in fiidnimadii Sabtida la soo riday laba gantaal iyo 27 diyaaradood oo laga leeyahay Ukraine.
Dhankiisa, falanqeeyaha milatariga ee taageersan Ruushka ninka lagu magacaabo Roman Alyokhin ayaa Telegram ku sheegay, in gobalka Kursk uu xalay la kulmay weerar ballaaran oo ay gaysteen gantaallo shisheeye.
Kaddib markii ay fasax ka heshay Washington iyo London, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Kiev waxay isticmaashay gantaalada riddada dheer si ay u garaacdo goobo qoto dheer oo katirsan carriga Ruushka.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa ilo ka tirsan shaqaalaha guud ee Ukraine ayaa sheegtay, in ciidamada Ukraine ay lumiyeen Boqolkiiba 40% dhulkii ay ka maamulayeen Kursk, dhulkaas oo ay gudaha u galeen horraantii bishii Agoosto ee la soo dhaafay.
Ila ka tirsan Ukraine ayaa wakaaladda u sheegay, in ciidamadooda ay la wareegeen guud ahaan 1,376 kilomitir oo isku wareeg ah oo ka mid ah gobalka Kursk, balse aaggaas ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira kor u kaca weerarada rogaal-celinka ah ee uu Ruushku kusoo qaaday gobalka.