Kim Jong: Si Buuxda Ayaan Ruushka Ugu Garabtaaganahay Dagaalka uu Kawado Yukrayn.

5
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa shalay booqosho ku tagay Kuuriyada Waqooyi, isagoo si gaar ah ula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ninka lagu magcaabo Kim Jong Un, kaas oo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka u xaqiijiyay, in uu si buuxda ugu taageersan yahay Ruushka dagaalka uu kula jiro Yukrayn.

Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi ayaana carrabka ku adkeeyay, in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu si shuruud la’aan ah u taageero isla markaana uu u dhiirigaliyo dhammaan tallaabooyinka ay qaadeen hoggaanka Ruushka si wax looga qabto sababta keentay xiisadda Yukrayn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi.

Kim ayaa tibaaxay, inuu aaminsan yahay, in ciidamada iyo shacabka Raashiyaanka ah ay iyaga ku guulaysan doonaan dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Mosko iyo kiyeef, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkaan kasoo baxay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaya, xilli ay Yukrayn garab baneeyeen dowladihii reer Galbeedka ee taageerada iyo taakulaynta la garab-taagnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here